Home » Maxaa Cusub » Waa Kuwee Saxiixyada Aan Filan Doono Inay Hirgalaan Todobaadka Nagu Soo Fool Leh

Waa Kuwee Saxiixyada Aan Filan Doono Inay Hirgalaan Todobaadka Nagu Soo Fool Leh


Paul Pogba

Waxaan filan doonaa todobaadka nagu soo fool leh inay hirgalaan heshiisyo siweyn loo sugaayay madaama kooxaha Yurub ugu caansan ay dadaal xoogan ka wadaan suuqa Yurub.

Hadaba waxaan filaan doonaa ugu yaraan 8-saxiixo oo caalami ah inay sameeyaan kooxaha reer Yurub weliba cayaartooy caan ah ayaa isbadal dhanka naadiyada ah sameyn doonaan.

Xog culus oo daaha laga qaaday xidigahah la kala iibsna doono kuwooda ugu caansan todobaadka dambe waxaa lagu sheegay kuwa hoos ku xusan:

Arda Turan (Atletico Madrid): kooxaha Barcelona, Chelsea iyo Manchester United midkood ayuu ku biiri doonaa.

Morgan Schneiderlin (Southampton): Man United ayaa la filaa inay xidigan arinkiisa soo afjarto.

Paul Pogba (Juventus): Barcelona ama Man City ayaa midkood heshiis xidigan la gaari doonto

Sergio Ramos (Real Madrid): waxaa la filaa inuu Man United usoo dhaqaaqo

William Carvalho (Sporting Lisbon): xidigan waxaa £18m ku qaadan doonto kooxda Arsenal

Toby Alderweireld (Atletico Madrid): wuxuu qarka u saaran yahay inuu heshiis la gaaro Tottenham.

Asmir Begovic (Stoke City): Chelsea ayaa la filaa inay goolhayahan saxiixiisa dhameestirto

Santi Cazorla (Arsenal): waxaa la filaa inuu Atletico Madrid u dhaqaaqo si uu booska Turan u buuxiyo

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>