Home » Horyaalada » italian Serie A » Waa Maxay Sababta Ka Dambeyo Heshskii Gervinho Uu Naadiga Al-Jazira Kaga Mid Noqon Lahaa Uu Bur Buro!

Waa Maxay Sababta Ka Dambeyo Heshskii Gervinho Uu Naadiga Al-Jazira Kaga Mid Noqon Lahaa Uu Bur Buro!


Gervinho-main

Weeraryahanka reer Ivory Coast Gervinho ayaa qarka u saarnaa inuu naadiga Al-Jazira ee ka dhisan dalka UAE inuu ku biiro.

Sidoo kalena kooxaha Roma iyo Al-Jazira ayaa qiimaha xidigan ka heshiiyeen waxaana lagu qaadan rabay £10m.

Waxaa intaas usii dheer in naadiga Al Jazira ay Gervinho u balan qaaday heshiis 4-sano ah iyo inuu todobaad walbo qaato £85,000.

Xidigan dhamaan dalabyadii kooxdan wuu aqbalay markii heshiiskan la dhameestiri rabay ayuu la yimid codsiyo ay kooxda Al Jazira ku tilmaantay mid aysan sameyn karin.

Wargeska Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in Gervinho uu naadiga Al Jazira ka dalbaday in la siiyo xeeb u gaar ah ee uu ku nasto, diyaarada nooca Helicopter-ka in la siiyo, dhaman qoyskiisa iyo wixii qaraabo la ah in lasoo dajiyo UAE sidoo kalena jiifkooda iyo cuntadooda la dabaro iyo sidoo kalena in si joogto ah looga bixiyo qarashaadka Tikitka marka uu dalkiisa Ivory Coast u safraayo!!!

Kooxda Al Jazira ayaa dalabka Gervinho ku tilmaantay mid dambi weyn ka raaci doono hadii ay u sameyso sidoo kalena ay gabi ahaanba iska dhaaftay qorshihii ay xidigan ku qaadan rabtay.

Naadiga Roma ayaa ka carootay damaca Gervinho iyo inuu sabab u noqdo bur burka ku yimid qorshihii uu Al Jazira kaga mid noqon lahaa waxaana loo sheegay inuu suuqa ka baadi goobto naadi kale!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>