Volker Struth oo ah wakiilka weeraryahanka ku muuq beelay Allianza Arena ee Mario Goetze ayaa si caro leh uga hadlay mustaqbalka mugdiyoobay ee xidiga uu wakiilka u yahay.
Volker Struth oo wareysi siinayay wargeyska BILD ee Jarmalka kazoo baxa ayaa ku eedeeyay macalinka reer Spain ee Pep Guardiola inuu yahay shaqsiga burburiyay mustaqbalka xidigaan heerka caalami ee xulka Jarmalka.
“Guardiola ayaa burburiyay Goezte. Wuxuu u muuqdaa tababare balse wali ma uusan aaminin isaga, wuxuu weydiistay inuu muhiim u arko marka uu garoonka ku jiro”
“Goetze kaliya wuxuu ciyaaraa kubad jilcan, waxaan aad ula yaabay inaan ku arki waayo Bayern qof difaaca Mario, waxaan kaloo la yaabay in Guardiola uu adeegsan waayo kulamada waaweyn sida finalkii koobka Jarmalka iyo Semi Finalkii Champions League-ga”
Si kastaba Volker Struth ayaa u sheegay Bayern iney qaado masuuliyada hogaan la’aanta kooxda, isla markaana aysan aheyn wax loo adkeesan karo in xidig tayadaan leh oo kale uu kooxda qiimo ku yeelan waayo.
Ugu dambeyntiina warar aan sidaa u badneyn ayaa Mario Goetze la xiriirinaya kooxda Man United ee dalka Ingiriiska balse sidaas looma hadal hayo.