Home » Maxaa Cusub » Waqtiga Uu Morgan Schneiderlin Ku Biiri Doono Man United Iyo Mushaarka Uu Qaadan Doono Oo Daaha Laga Qaaday

Waqtiga Uu Morgan Schneiderlin Ku Biiri Doono Man United Iyo Mushaarka Uu Qaadan Doono Oo Daaha Laga Qaaday


Morgan

Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro xulka France iyo naadiga Southampton Morgan Schneiderlin ayaa aqbalay inuu Man United ku biiro.

Sidoo kalena kooxda Southampton ayaa aqbashay dalab £25m wuxuuna noqon doonaa saxiixa ugu muhiimsan oo ay Man United sameyso marka laga soo tago Maphis Depay.

25-jirkan tayada wanaagsan ayaa garoonka Old Trafford imaan doono maalinta arbacada ah si uu tijaabo caafimaad u maro.

Morgan Schneiderlin waxay Man United todobaad walbo mushaar ahaan usiin doontaa £100,000 sidoo kalena heshiis 5-sano ah ayuu qalinka ku duugi doonaa.

Morgan Schneiderlin ayaa xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday kooxdiisa Southampton u saftay 29-kulan asigoo u dhaliyay 5-gool.

Waxaana lagu wadaa xidigan inuu xaliyo dhibaatada Man United dhanka khadka dhexe ka heesato sidoo kalena booska Michael Carrick ayuu buuxin doonaa xili cayaareedka nagu soo fool leh.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>