Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Roberto Firmino oo ay kala soo wareegeen kooxda Hoffenheim ee dalka Jarmalka, waxaana dhameystirka heshiiska uu ku xiran yahay kaliya inuu ku guuleysto caafimaadka.
23-jirkaan heerka caalami waxey Liverpool saxiixiisa kaga guuleystay Manchester United wuxuuna qalinka ku duugi doonaa heshiis gaaraya afar sanadood iyo bar.
Da’yarkaan reer Brazil wuxuu u saftay kooxdiisa 151-kulan, wuxuuna shabaqa ku hubsaday 47-gool, tan iyo markii uu kooxdaan kaga soo biiray Figueirense bishii December 2010.
Dhanka kale Firmino 9-kulan ayuu u saftay xulkiisa Brazil, wuxuuna shabaqa tagay 4-jeer, waana xidigii guusha gaarsiiyay kulankii ugu dambeeyay ee Veneuzuela.
Roberto Firmino wuxuu noqonayaa saxiixii shanaad ee ay sameyso Liverpool xagaagan, 3-xidig ayey ku heleen si xor ah waana: James Milner, Danny Ings iyo Adam Bogdan iyagoo sidoo kale dhawaan soo ibsadan Joe Gomez, Firmino ayaana ku xigay oo ay maanta ku dhawaaqeen saxixiiisa.
saleebaankaafi:liverpool
24-June-2015 at 1:46 pm
Welcome firmino waa xidig cajiiba ynwa . liverpool