Home » Maxaa Cusub » Wararka Suuqa Arsenal: Arinta Goolhaye Peter Cech,  Loolanka Ron Vlaar & Bacca Oo Kusoo Biiray Liiska Xidigaha Ay Dooneyso Gunners

Wararka Suuqa Arsenal: Arinta Goolhaye Peter Cech,  Loolanka Ron Vlaar & Bacca Oo Kusoo Biiray Liiska Xidigaha Ay Dooneyso Gunners


Dnipro Dnipropetrovsk v Sevilla - UEFA Europa League Final

Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta kubada cagta ka qoreen kooxda Arsenal.

GOOLHAYE PETER CECH

Goolhayaha kooxda Blues Peter Cech ayaa wahadal la yeelan doona maamulka kooxda si ay ugu ogolaadan inuu kooxda ka tago.

Sida ay qortay Daily Mail, Cech ayaa qarka u saaran inuu ka tago Stamford Bridge, balse lama hubo in loo ogolaan doono inuu aado kooxaha kale ee EPL-ka kula xifaaltama Blues.

Arsenal ayaa hogaamineysa kooxaha doonaya Peter Cech, balse sheekada ku aadan inuu ka dago Emirates ayaan la ogeyn sida ay suuragal ku noqon karto.

RON VLAAR

Arsenal ayaa diyaar u noqoneysa iney dagaal xun la gasho Manchester United iyadoo kula tartami doonta saxiixa daafaca kooxda Aston Villa Ron Vlaar.

Aston Villa ayaa doorbideysa in Vlaar uu heshiis cusub u saxiixo balse xidigaan qudhiisa wuxuu isha ku hayaa inuu ka ciyaaro heerar sare halkii uu joogi lahaa Villa Park.

Si kastaba Loolanka Vlaar ayaa noqon doona mid xiiso badan, Wenger ayaana doonaya daafaca uu kooxdiisa keeno si tartanka Koscielny, Mertesacker iyo Paulista uu u xoojiyo.

CARLOS BACCA

Weerarayahanka reer Colombia Carlos Bacca ayaa kusoo biiray liiska xidigaha ay Arsenal ka dooneyso suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Bacca ayaa laba sanadood oo xiriir ah u suuragaliyay kooxda Sevilla iney ku guuleysato koobka Europa League-ga, wuxuuna xagaagan dhaliyay 28-gool, 56-kulan oo uu saftay dhamaan tartamada oo dhan isagoo sidoo kale kaalinta 5-aad u hogaamiyay Sevilla.

Bacca waxaa lagu qiimeeyaa 20 Malyan Oo Pound, inkastoo Wakiilka xidigaan Sergio Barila uu u sheegay warbaahinta talyaaniga in xidigaan uu ku faraxsan yahay nolosha Sevilla.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>