Home » Maxaa Cusub » Wararka Suuqa Arsenal: Iney Xiiseyneyso Ibrahimovic, Xiisaha Gundogan & Lars Bender & Wakiilka Benzema Oo U Deyriyay

Wararka Suuqa Arsenal: Iney Xiiseyneyso Ibrahimovic, Xiisaha Gundogan & Lars Bender & Wakiilka Benzema Oo U Deyriyay


Arsenal transfer live

Starsports Ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta kubada cagta ka qoreen kooxda Arsenal.

ZLATAN IBRAHIMOVIC

Sida ay qortay Tuttomercatoweb kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah iney iibsato weeraryahanka kooxda Paris Saint Germain Zlatan Ibrahimovic.

Sida ay qoreen warbaahinta kubada cagta Zlatan ayaa ka tagay dalka faransiiska iyadoo si ba’an loola xiriirinayo dib ugu laabashada kooxda Milan, inkastoo ay sidoo kale xiiseynayaan kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Arsenal.

Sidoo kale Gunners waxey qorsheyneysaa iney dalab 11 Malyan Oo Pound ah u dirto dhigeeda PSG si ay u hesho xidigaan reer Sweden.

ILKY GUNDOGAN

Arsenal ayaa warfarxad leh ka heshay loolankii ay ugu jirtay Ilky Gundogan kadib markii Barcelona oo ugu cad-cadeed arinta xidigaan ay ka codsatay inuu qiimo dhimis dhanka mushaarka ah sameeyo sida ay qortay Majaladda Turkiga kasoo baxda ee DHA.

Wakiilo ka socda Barca ayaa u duulaya Ibiza isbuucaan si ay arintaan usoo dhameeyaan, balse sheekada la isku maandhaafsan yahay ah mushaarka xidigaan.

Gundogan wuxuu doonayaa inuu qaato todobaadkii 170,000 kun Pound halka Barcelona ay ka dalbatay xidigaan inuu yareeyo isla markaana ay siin doonto 110,000 kun Pound.

LARS BENDER

Sida ay daabacday Metro kooxda Arsenal ayaa tartan xoog leh la gali doonta dhigeeda Manchester United waxeyna ku dagaali doonaan saxiixa bubruriyaha Leverkusen Lars Bender.

26-jirkaan reer Jarmal ayaa mudo badan lala xiriirinayaa Arsenal waxaana lagu qiimeeyaa aduun dhan 25 Malyan Oo Pound.

Dhanka kale United ayaa iyana dareenkeeda siineysa Lars Bender iyadoo Louis Van Gaal uu doonayo inuu xoojiyo khakda dhexe kooxdiisa.

KARIM BENZEMA

Wakiilka Karim Benzema ayaa warnaxdin leh u sheegay Arsenal kadib markii uu ka dhawaajiyay in xidigaan reer France uu doonayo inuu waayahiisa ku dhameysto Real Madrid.

Karim Djaziri oo ah wakiilka Benzema ayaa u sheegay Marca in xidigaan uu damacsan yahay inuu waayahiisa kusoo dhameeyo Bernabeu.

Arsenal waxey ka mid aheyd tiro kooxo ah oo xidigaan bartilmaameed ka dhiganayay waxeyna xidigaan ku dooneysay aduun dhan 40 Malyan Oo Pound.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>