Starsports ayaa soo koobeysa wararkii xanta ahaa ee maanta ay warbahinta kubada cagta ka qoreen kooxda Manchester United.
NACHO MONREAL:
Daafaca bidix ee xulka Spain iyo kooxda Arsenal Nacho Monreal ayaa iska diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa xili saxaafada Spain ay hadal hayaan inuu kusii socdo wadadii uu ugu biiri lahaa naadiga Athletic Bilbao.
Tababaraha Bilbao (Ernesto Valverde) ayaa ka codsaday madaxweynaha kooxda Josu Urrutia in liiska xidigaha ay doonayaan lagu daro Monreal.
Nacho heshiiska uu kula jiro Arsenal wuxuu dhacayaa June 2016, AS ayaana sheegeysa in Wenger uu diyaar u yahay inuu dhageysto dalabyada xidigaan laga soo gudbinayo.
CHRISTIAN BENTEKE:
Arsenal oo aheyd kooxdii koob la’aanta dhigtay Benteke madama ay Wembley kaga qaadeen koobka FA Cupka.
Si kastaba Benteke wuxuu ku jiraa liiska weeraryahanada uu doonayo inuu lasoo saxiixdo Wenger marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda inkastoo qiimaha xidigaan la duldhigay uu yahay mid sare madama 32 Malyan lagu doonayo.
Si kastaba hadii Arsenal ay ku fashilanto saxixia Jackson Martinez waxey u dhaqaaqi doontaa Benteke oo dooqa labaad u ah.
LAURENT KOSCIELNY
Rafael Benitez ayaa sii diyaarsanaya qorshahiisa suuqa kala iibsiga ka hor inta uusan qaban shaqada Madrid todobaadkaan gudahiisa.
99% waa la hubaa in Benitez uu noqon doono macalinka Real Madrid wuxuuna doonayaa inuu kooxda kusoo biiriyo daafaca reer France ee udub dhexaadka u ah Arsenal Laurent Koscielny.
Laurent wuxuu ka mid noqday qorshaha ay saxaafadda la buun-buunineeso Benitez ee uu dib ugu dhisayo Madrid xagaagan.