Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta kubada cagta ka qoreen kooxda Arsenal.
JOEL CAMPBELL
Weeraryahanka reer Costa Rica Joel Campbell ayaa doonaya inuu si rasmi ah uga tago kooxda Arsenal xagaagan sida ay qortay Marca.
Wiilkaan heerka caalami ayaa qaab qurux badan uga soo hilaacay koobkii Aduunka ee Brazil lagu soo dhameeyay, balse arintaas kama saacidin inuu tixgelin ka helo Wenger, wuxuuna January 2015 amaah ku aaday Villarreal inkastoo uu ku wareeray.
Si kastaba Joel Campbell wuxuu doonayaa inuu si rasmi ah kooxda uga tago isagoo xiiso ka helay David Moyes oo la doonaya kooxdiisa Real Sociedad.
JACKSON MARTINEZ
Arsenal ayaa diyaar u ah iney dalab dhan 25.7 Malyan Oo Pound ay miiska u saarto Porto si ay uga hesho weeraryahankooda reer Colombia Jackson Martinez sida ay qortay Metro.
Xidigaan heerka caalami ayaa ka dhawaajiyay inuu ka tagayo Porto xagaagan, waana mid ka mid ah xidigaha uu aadka u xiiseynayo Wenger inuu kooxdiisa ku xoojiyo.
Si kastaba Arsenal ayaa haatan ugu cad-cad saxiixa xidigaan inkastoo Porto ay soo diiday dalab ay Atletico Madrid xidigaan ka gudbisay.
MORGAN SCHNEILDERLIN
Sida ay ku warantay Dialy Mail, kooxda Arsenal ayaa iska soo afjartay xiisahii ay u qabtay burburiyaha kooxda Southampton Morgan Schneiderlin.
Ronald Keoman kooxdiisa ayaa xidigana ku dooneysa 25 Malyan Oo Pound, inkastoo uusan sii joogi doonin kooxda madama uu Champions League doonayo.
Ugu dambeyntiina Wenger ayaan dareemeynin iney muhiim tahay in lacago intaas la eg ay ka bixiso Morgan Schneiderlin.