Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo ay saxaafada kubada cagta ka qortay kooxda Arsenal.
WOJCIECH SZCZESNY
Mustaqbalka goolhayaha xulka Poland Wojciech Szczesny ayaa mugdi uu soo galay sida ay qortay Metro oo ka mid ah majaladaha ugu afka dheer warbaahinta kubada cagta Ingiriiska.
Szczesny ayaan si rasmi ah kaga soo muuqan garoomada tan iyo markii lagu qabtay isagoo musqusha qubeeska ku cabaya Sigaar kadib kulankii ay kooxdiisa qasaaro 2-0 ah kala kulantay Southampton maalintii sanadka cusub.
Si kasstaba xidigaan waxaa booska ka qabsaday David Ospina waxaana la filayaa inuu isaga tago Emirates Stadium.
GEOFFREY KONDOGBIA
Arsenal ayaa xiiso ba’an u qabta burburiyaha kooxda As Monaco Geoffrey Kondogbia.
Xidigaan reer France ayaa jahawareer ku riday Arsenal kulankii wareega 16-ka ay kooxdiisa Monaco ka gudubtay wiilasha Wenger.
Daily Mail ayaa soo jeedineysa in Arsenal ay dooneyso iney khadka dhexe ku xoojiso iyadoo sidoo kale la hadal hayo in Morgan Schaniederlin uu isna kusii jeedo Emirates xili warar United la xiriirinayana ay soo baxeen.
FERNANDO MUSLERA
Sida ay qorayaan warbixino ka imaanaya Dalka Turkiga kooxda Arsenal ayaa dagaal xoogan la gali doonta dhigeeda United iyagoo ku dagaalamaya saxiixa goolhayaha xulka Uruguay iyo kooxda Galatasaray Fernando Muslera.
Labada kooxood waxey suuqa ka baadi goobayaan goolhaye cusub madama Arsenal ay damacsan tahay iney hesho goolhaye la tartama David Ospina halka United ay iyana suuqa ka baadi goobeyso badalka David De Gea oo u jiheystay Real Madrid.
Ma ahan kaliya Fernando Muslera in lala xiriirinayo labada kooxood waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa xidigaha Peter Cech iyo Hugo Lloris.