Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay ka qoreen warbaahinta kubadda cagta kooxda Arsenal.
ZLATAN IBRAHIMOVIC
Wakiilka Zlatan Ibrahimovic ayaa war naxdin leh u sheegay Arsenal kadib markii uu ka dhawaajiyay in xidigaan uu sii joogo doono kooxda Paris Saint Germain.
Arsenal ayaa doorbideysay iney dalab 11 Malyan Oo Pound ah u gudbiso kooxda Paris Saint Germain iyadoo qorshaheedu yahay iney hesho xidigaan reer Sweden.
Mino Riola oo ah wakiilka Zlatan ayaa la hadlay Journal du Dimanche: “Wuxuu wali ku jirtaa waqtigiisii heshiiska mana uusan go’aansan wali inuu ka tago kooxda”
Sidoo kale madaxweyne Nasser Al-Khelaifi ayaa wax laga weydiiyay arinta Zlatan Ibrahimovic wuxuuna ka dhawajiyay in xidigaan uusan iib aheyn.
KEVIN DE BRUYNE
Dhanka kale xidigii bartilmaameedka u ahaa Arsenal Kevin de Bruyne ayaa xaqiijiyay iney lasoo xiriireen kooxda Manchester City oo dooneysay saxiixiisa.
Wiilkii flopka ku noqday Chelsea, balse xiligii dhamaaday ka mid noqday xidigaha ugu fiican horyaalka Jarmalka ayaa dalab ka helay Manchester City.
“Wali waxba ma aanan go’aansan, waxaan heystaa waqti, wax dhibaato ah ma qabo”
Si kastaba De Bruyne oo xagaagan dhaliyay 10-gool, sidoo kalana caawiyay 21-gool oo kale ayaa laga yaabaa inuu xagaagan horyaalka Ingiriiska dib ugu soo laabto.
PETER CECH
Jose Mourinho ayaa doonaya inuu iibiyo Peter Cech balse waa in kooxda iibsaneysa ay xidig muhiim ah kusoo wareejisaa Chelsea.
Wenger ayaa aad u doonaya Cech isagoo qorsheynaya inuu la tartansiiyo Ospina, balse xaalada sidii la rajeynayay maahan madama uu Mourinho dalbaday in xidig lagu soo wareejiyo.
Sida xanta lagu helay Mourinho wuxuu doonayaa Walcott, hadiiba uu Arsenal ka iibinayo Peter Cech si uusan uga qoomameyn iibka xidigaan reer Czceh Republic.