Starsports Ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta kubada cagta ka qoreen kooxda Chelsea.
HAZARD & COSTA
Macalinka cusub ee Real Madrid Rafael Benitez ayaa doonaya inuu sameeyo laba saxiix oo muhiim ah isagoo diirada saaraya xidigaha Eden Hazard iyo Diego Costa oo ka wada tirsan Chelsea.
Telegraph ayaa qoreysa in macalinkii hore Blues (RAFA) uu doonayo inuu lasoo saxiixdo labadaas xidig ee halbowlaha u ah kooxda Jose.
Costa oo Real Madrid La Liga kula soo xifaaltamay mudooyin badan ayaa beeniyay inuusan ku faraxsanen noloshiisa Stamford Bridge.
Dhanka kalana Hazard ayaa isna heshiis waqti dheer ah saxiixay goor dhaw, balse wuxuu xidigaan ka mid yahay qorshaha Galaticos-ka cusub ee xagaagan.
WEERARYAHANADA UU MOURINHO DOONAYO
Macalinka Chelsea Jose Mourinho ayaa ka dhawaajiyay in liiska xidigaha uu doonayo ee dhanka weerarka ay ka kooban yahiin shan xidig.
Balse macalinka reer Portugal kaliya hal qof ayuu ka tilmaamay liiskaas shanta xidig ah wuxuuna farmuuqay Radamel Falcao.
Xidigaan reer Colombia ayaa ku fashilmay Horyaalka EPL-ka madama uu sanad amaah ah ku qaatay kooxda Man United, balse markaan wuxuu doonayaa inuu nasiibkiisa ku tijaabiyo Chelsea.