Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta kubada cagta ka qoreen kooxda Liverpool.
ADAM BOGDAN
Liverpool ayaa diyaar u ah iney lasoo saxiixato goolhayaha kooxda Bolton Wonders Adam Bogdan kaas oo ay ku heli karto si xor ah sida ay qotay Daily Mail.
Goolhayahaan u dhashay dalka Hungary ayaa qaab wanaagsan ku jira wuxuuna ka yaabiyay Liverpool kulan ay Bolton ku wajaheen FA Cupka.
Si kastaba Adam Bogdan wuxuu tartan culus la gali doonaa Mignolet hadii uu yimaado Anfield.
ZLATAN IBRAHIMOVIC
Sida ay qortay Metro kooxda Liverpool ayaa si layaab leh ugu dhaqaaqday saxiixa weeraryahanka kooxda PSG Zaltan Ibrahimovic.
Weeraryahankan rer Sweden ayaa la filayaa inuu isaga tago PSG xagaagan, inkastoo kooxo kale ay doonayan hadana Reds ayaa ugu cad-cad.
KIERAN TRIPPIER
Dhanka kale Liverpool ayaa indho indheyn ku bilowday daafaca midig ee kooxda Burnley Kieran Trippier kadib markii ay waji gabax kala kulantay doonistii Nathaniel Clyne.
Reds ayaa 10 Malyan dalab ah gaarsiisay Southampton, balse waa laga soo diiday waxaana markaan ay doorbidi doontaa Kieran Trippier.
Si kastaba Rodgers waa u muhiim inuu helo daafac midig madama Glen Johnson uu ka hayaamayo garoonka Anfield marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
nuur
7-June-2015 at 1:14 pm
Zlatan IBRA welcome Liverpool