Home » Maxaa Cusub » Wararka Suuqa Liverpool: Tevez Oo Kusii Jeeda Anfield, Lovren Oo Baxaya & Badalkiisa Oo La Helay & Wararkii Kale Ee Laga Qoray

Wararka Suuqa Liverpool: Tevez Oo Kusii Jeeda Anfield, Lovren Oo Baxaya & Badalkiisa Oo La Helay & Wararkii Kale Ee Laga Qoray


Liverpool transfer Live

Starsports Ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta kubada cagta ka qoreen kooxda Liverpool.

CARLOS TEVEZ:

Sida ay qortay Metro oo xiganeysa Tuttomercatoweb xidiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus Carlos Tevez ayaa kusii dhawaanaya inuu ku biiro Liverpool.

Xidigaan reer Argentina ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay lala xiriirinayay inuu ka tago Turin, wuxuuna diyaar u yahay inuu cutub kale oo kubada cagta ah bilaabo.

Reds ayaa qudheeda dareen siineysa xidigaan heerka caalami kaas oo leh qibrad ka ciyaarista horyaalka EPL-ka madama uu kooxo kala duwan uga soo ciyaaray.

DEJAN LOVREN

West Ham ayaa diyaar u ah iney dalab ka gudbiso Dejan Lovren oo xagaagii dhamaaday ku fashilmay inuu caawiyo kooxdiisa waase hadii ninka reer Croatia ee Slaven Bilic uu noqdo macalinka kooxda West Ham sida ay qortay The Sun.

Daafacaan wuxuu ku fashilmay inuu awoodiisa ku muujiyo Anfield isagoo kaliya xagaagii dhamaaday bilowgiisii 20 Malyan Oo Pound kaga yimid kooxda Southampton.

BADALKA LOVREN:

Liverpool ayaa durba heshay badalkii Dejan Lovren iyadoo u dhaqaaqeysa saxiixa daafaca kooxda Olympique Lyon Samuel Umtiti iyadoo qorsheyneysa iney dalab 11 Malyan Oo Pound ah ula tagto.

Xidigaan ka mid ah xulka Faransiiska ee dhalinyarada da’doodu ka hooseyso 21-jirada ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxaha Manchester City iyo Arsenal.

Balse Liverpool ayaa diyaar u ah iney u dhaqaaqo xidigaan awooda buuxda u leh inuu ciyaaro daafaca dhexe iyo sidoo kale daafaca bidix.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>