Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay ay warbaahinta kubada cagta ka qortay arinta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Manchester United.
GARETH BALE:
Manchester United ayaa laga soo diiday dalab 110 Malyan ah oo ay ka gudbisay wiilka dheereya ee xulka Wales Gareth Bale kaas oo ka tirsan Real Madrid.
Daily Express ayaa qortay in Man United ay isha ku heyso saxiixyada Gareth Bale iyo Raphael Varane balse koxda uu hogaamiyo Louis Van Gaal loo deyriyay.
Si kataba Madrid ayaa u sheegtay dhigeeda United ineysan diyaar u aheyn iney iibiso xidigaheeda muhiimka ah.
HUGO LLORIS
Manchester United ayaa markaan wadahadalo la fureysa goolhayaha kooxda Tottenham Hotspur Hugo Lloris madama ay ku fashilantay iney ceshasto goolhayaheeda reer Spain David De Gea.
Warar ay baahiyeen warbaahinta Ingiriiska shalay ayaa sheegayay in De Gea uu qaar ka mid ah shaqaalaha kooxda u sheegay inuu ku biirayo Real Madrid.
Inkastoo Danny Levy oo ah gudoomiyaha kooxda Tottenham uu sheegay in Hugo Lloris uusan iib aheyn hadana Louis Van Gaal ayaa bartilmaameed koowaad ka dhiganaya Hugo Lloris si uu badal fiican ugu noqdo David De Gea.
Ugu dambeyntiina Starsports ayaa qortay in United ay u dhaqaaqi doonto Peter Cech hadii ay weyso goolhaye Hugo Lloris.
DAVID DE GEA
Real Madrid ayaa ku qancisay David De Gea inuu Bernabeu kusoo biiro waana sheeko u xun Man United madama ay dooneysay iney ilaashato goolhayaheeda reer Spain ee aadka loo amaanay xagaagan.
24-jirkaan hal sano ayaa kaga haray heshiiska uu kooxdiisa kula jiro, wuxuuna doonayaa inuu isaga tago Old Trafford xili loogu baaqay inuu heshiis cusub saxiixo.
The Sun ayaa qortay in Real Madrid ay diyaar la tahay bixinta lacag dhan 30 Malyan Oo Pound si ay heshiiskaan usoo afjarto.