Starsports Ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta kubada cagta ka qoreen kooxda Manchester United.
LACAGAHA AY QARASH GAREYN DOONTO
Robin Van Persie ayaa ka dhawaajiyay in Manchester United ay xagaagan qarash gareyn doonto lacag dhan 200 Malyan Oo Pound sida ay qortay Daily Mail.
Weeraryahankaan u muuqda mid ka huleelaya Old Trafford ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay mar kale qarash gareyn doonto lacag badan si ay ugu tartanto dhamaan koobabka ay ka qeyb galeyso kooxdaan.
Sida ay qorayaan warbaahinta waxaa la hadal hayaa in Manchester United ay la saxiixan doonto xagaagan Morgan Schneiderlin, Hugo Lloris, Karim Benzema iyo Nicolas Otamendi.
JAVIER HERNANDEZ
Daily Mirror ayaa qoreysa in David Moyes uu doonayo saxiixa Javier Hernandez kaas oo haatan kasoo laabtay amaah hal sano ah oo uu ugu maqnaa Real Madrid.
Sidoo kale Real Sociedad waxey dooneysaa iney lasoo saxiixato Joel Campbell, waase hadii ay ku fashilmaan Javier Hernandez.
DANI ALVES
Dani Alves ayaa kusii dhawaanaya ku biiritaanka kooxda Manchester United kadib markii ay kooxdiisa ku dhawaaqday saxixa Aleix Vidal.
Aleix Vidal ayaa kuso biiray Barcelona wuxuuna badal u noqon doonaa Alves oo si xor ah uga tagi doona Camp Nou bisha soo aadan.
Sida ay qortay Daily Star Dani Alves aya macsalaameeyay kooxda xidigaha iyo maamulka kooxda Barcelona kadib markii uu kaga mahad celiyay mudadii ay kooxda ku wada sugnaayeen iyo farxadii ay isla qaateen.