Home » Maxaa Cusub » Wararka Suuqa Man United: RVP Oo Kusii Jeeda Turin, Cavani Oo Badal U Noqon Doona & Arinta Dani Alves Oo Xumaatay

Wararka Suuqa Man United: RVP Oo Kusii Jeeda Turin, Cavani Oo Badal U Noqon Doona & Arinta Dani Alves Oo Xumaatay


Cavani Unit3d

Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta kubada cagta ka qoreen kooxda Manchester United.

RVP OO KUSII JEEDA TURIN

Sida ay qoreen warbaahinta Ingiriiska Robin Van Persie wuxuu kusii jeedaa dalka talyaaniga madama ay 10 Malyan oo pound.

Kooxda ku hungowday iney ku guuleysato koobka horyaalada yurub ee Champions League ayaa dooneysa iney suuqa ka hesho badalka Tevez uu kusii socda wadadii uu kaga tagi lahaa kooxdan ka dhisan Turin.

Van Persie waa 33-jir waxaana qandaraaska uu Man United kula jiro kaga haray kaliya 12-bilood, balse sida la hadal hayo kuma sii waari doono Old Trafford, madama dhaawacyadiisa ay bateen sidoo kalana kooxda ay diyaar u tahay iney sameyso qarash gareyn baahsan.

CAVANI OO BADALAYA RVP

Manchester United waxey mudo dheer ku raad joogtay Edinson Cavani inkastoo aysan ku guuleysan hadana dhowr jeer ayey isku dayeen.

wararka haatan laga hadal haayo Ingiriiska ayaa ah in Louis Van Gaal uu bartilmaameed koowaad ka dhiganayo Cavani oo badal u noqon doona Robin Van Persie si kooxda ay tartan xoog leh u gasho xagaaga soo aadan.

Sida ay qortay Starsports qorshaha ay United ku qarash gareyn doonto 200 Malyan Oo Pound ayuu qeyb ka yahay Cavani oo lagu qiimeeyo 60 Malyan Oo Pound.

XAALADDA DANI ALVES

Manchester United ayaa u muuqata mid weyn doonta saxiixa Dani Alves madama kooxda Milan ay dalab rasmi ah u gudbisay kooxda Barcelona iyadoo ka dooneysa Alves.

Daafacaan reer Brazil ayaa ka tagaya Barcelona marka la gaaro 1-da July madama uu xor noqonayo, waxaana badalkiisa ay lasoo saxiixdeen Aleix Vidal.

Sidoo kalana wakiilka xidigaan Dinorah Santana ayaa ka dhawaajiyay iney wadahadal kula jiraan Milan, Man United waxaad moodaa in lagu garaacay arinta Alves.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>