Starsports ayaa soo koobeysa wararkii xanta ahaa ee maanta ay warbahinta kubada cagta ka qoreen kooxda Manchester United.
CHRISTIAN BENTEKE:
Si Xasaasi ah ayaa arintaan loo hadal hayaa maanta maadama United ay u dhaqaaqday soo xerogalinta xidiga Aston Villa Christian Benteke iyadoo kusoo jiidaneysa mushaar sare oo gaaraya 150,000 kun pound.
Aston Villa haatan waxey xidigaan siisaa mushaar dhan 60,000 kun pound, inkastoo ay 10,000 kun Pound ugu dari doonto haduu heshiis afar sano ah saxiixo.
Tim Sherwood oo ah macalinka Aston Villa ayaa qiray in xidigaan uu kaliya Villa Park kaga bixi karo aduun dhan 32 Malyan Oo Pound waxaana heshiiskiisa ka haray 12-bilood oo qura.
Xidigaan reer Belgium ee ku fashilmay inuu kooxdiisa u qaado koobka FA Cupka waxaa sidoo kale xiiseynaya Liverpool iyo Arsenal.
DAYOT UPAMECANO:
Sida ay qortay Metro United ayaa laga yaabaa iney dhawaan ku dhawaaqdo saxiixa da’yarka daafaca uga ciyaara kooxda Valenciennes ee dalka faransiiska Dayot Upamecano.
16-jirkaan heerka caalami wuxuu ciyaaraa daafaca dhexe waana xidig ay sidoo kale isha ku heyso Manchester City balse United ayaa ku dhaw.
RAHEEM STERLING:
Man United ayaa u muuqata koox ku adkaan karta saxiixa Raheem Sterling madama wadahadalo la sheegay iney u socdeen Liverpool iyo Bayern Munich ay burbureen gabi ahaanba taasoo ku aadaneed arinta Sterling.
United xidigaan wey dooneysaa waxaana sidoo kale kula jira xiisaha kooxaha Arsenal Iyo Chelsea oo ka wada dhisan London.