Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay ka qoreen warbaahinta kubadda cagta kooxda Manchester United.
William Carvalho
Sida ay qortay The Sun kooxda Manchester United ayaa soo rogaal celisay xiisahii ay u qabtay burburiyaha kooxda Sporting Lisbon William Carvalho iyadoo sidoo kale Arsenal ay xiiso u qabto xidigaan heerka caalami.
Xidigaan reer Portugal waxaa lagu qiimeeyaa aduun dhan 24 Malyan Oo Pound, wuxuuna ku haminayaa inuu koox weyn kasoo muuqdo.
“Waan jeclaan lahaa inaan ka ciyaaro England” ayuu yiri Carvalho, “Sida aan filayo qaab dhismeedkeyga jirka wuxuu ii saamixi karaa inaan si wanaagsan ug asoo muuqdo halkaas”
Javier Hernandez “Chicharito”
Inter Milan ayaa dooneysa iney lasoo saxiixato Javier Hernandez sida lagu qoray website-ka talyaaniga ah ee Tuttomercatoweb.
Wiilkaan reer Mexico ee xagaagii dhamaaday amaahda ugu ciyaarayay kooxda real madrid isagoo waliba aan boosjoogta ah ka helin
Hernandez wax mustaqbal ah umayaalo Old Trafford kooxduna waxa ay doonaysaa in ay ku iibiso lacag dhan £11m.
Lars Bender
Louis van Gaal ayaa doonaya in uukeeno Old Trafford Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Bayern Leverkusen isagoona u arka in uu badal unoqon karo Michael Carrick
ciyaariyahankaan Heerka caalami ee udhashay dalka Germany Bender, kaas oo lagu qiimeeyay lacag dhan £ 13m, ugu dambayntii waxaa sidookale xidigaan kula loolamaya kooxaha Arsenal iyo Barcelona