Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta kubada cagta ka qoreen kooxda Manchester United
NIACOLAS GAITAN
Sida ay qortay Metro Manchester United ayaa saacadaha soo socda la filayaa iney ku dhawaaqdo saxiixa Nicolas Gaitan oo ah xidig garabka uga ciyaara kooxda Benfica ee dalka Portugal.
Xidigaan reer Argentina ayaa lagu warmayaa inuu goor hore heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda uu hogaamiyo Louis Van Gaal.
Wuxuu Old Trafford ku imaan doonaa aduun dhan 25 Malyan Oo Pound, isagoo noqon doona saxiixii labaad ee xagaagan ay sameyso Red Devils.
ROBIN VAN PERSIE
Daily Mail ayaa ku warantay in kooxda Juventus ay dooneyso xidiga reer Holland Robin Van Persie kaas oo la filayo inuu xagaagan faarujiyo Old Trafford.
Xidigaan reer Holland ayaa u muuqda mid aan kusii nagaan doonin EPL-ka inkastoo uu 24 Malyan Oo Pound ku yimid kooxdan sanadii 2012, hadana sanadkiisii ugu dambeeyay ayuu galayaa heshiiska uu kula jiro Manchester.
Agaasimaha ciyaaraha Juventus Giuseppe Marotta ayaa doonaya inuu sheekadan soo afjaro sida lagu daabacay Starsports.
FELIPE ANDERSON
Ugu dambeyntiina Manchester United waxey dagaal xoog leh la gali doontaa dhigeeda Chelsea iyadoo kula dagaalami doonta saxiixa Felipe Anderson oo ka tirsan kooxda SS Lazio.
Xidigaan reer Brazil ee ka midka ah 21-jirada dalkiisa ayaa dhawaan heshiis shan sano ah saxiixay balse 30 Malyan ayuu kaga tagi karaa kooxda Lazio.
Sidoo kale kooxaha Manchester City iyo Barcelona ayaa doonaay wiilkaan iyadoo lasoo wariyay in Man United ay wakiilo u dirtay xidigaan talyaaniga si ay arinta usoo afjaraan.