Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Burburiyaha Southampton Morgan Schneiderlin Oo Doonaya Inuu Ku Biiro Kooxda Manchester United

Warbixin: Burburiyaha Southampton Morgan Schneiderlin Oo Doonaya Inuu Ku Biiro Kooxda Manchester United


Morgan

Sida ay tilmaameen warar ka imaanaya faransiiska burburiyaha Southampton Morgan Schneiderlin ayaa doonaya inuu ku biiro Man United isagoo ka dooranaya kooxda Arsenal.

25-jirkaan heerka caalami ee xulka faransiiska ayaa doonaya inuu kasoo muuqdo tartanka Champions League-ga waana sababta ugu weyn ee ku qasbeysa inuu ka tago kooxdiisa Southampton.

Sida ay qortay Daily Star laba sano ayaa xidigaan kaga harsan qandaraaskiisa uu kula joogo Saint balse wuxuu Old trafford ku aadi karaa lacag dhan 25 Malyan Oo Pound.

Macalinka reer Holland ee leyliya Man United Louis Van Gaal wuxuu aad ugu hamuun qabaa inuu helo burburiye fiican oo kubada Ingiriiska durba la qabsan kara Morgan Schneiderlin ayaana ah mid ka mid ah xidigaha khadka dhexe lagu amaanay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale xidigaan waxaa si ba’an loola xiriirinayay Arsenal oo iyana u baahi qabta xidig ay ku lamaaniso Francis Coquelin, balse wararka ka imaanaya faransiiska ayaa kooxda Wenger ka leexinaya xidigaan.

Ugu dambeyntiina halyeeygii hore Man United Garry Neville ayaa shaaca ka qaaday in Schneiderlin uu leeyahay tayo uu ugu ciyaaro kooxaha waaweyn ee horyaalka Ingiriiska.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>