Home » Horyaalada » italian Serie A » Warbixin: Juventus Oo Shaaca Ka Qaaday Qiimaha Ay Arturo Vidal Xagaagan Kaga Samri Karto

Warbixin: Juventus Oo Shaaca Ka Qaaday Qiimaha Ay Arturo Vidal Xagaagan Kaga Samri Karto


Vidal

Agaasimaha kooxda Juventus Beppe Marotta ayaa ka naxsaday naadiga Real Madrid madaama uu shaaca ka qaaday qiimaha ay Arturo Vidal kaga samri karto.

Qaar ka mid ah saxaafad Spain ayaa maalmo ka hor shaaciyeen in Vidal uu heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda Real Madrid una soo dhaqaaqi doono garoonka Bernabue.

Balse Beppe Marotta ayaa arinkaas gashaanka u daruuray wuxuuna ka dhawaajiyay in Vidal uusan ahayn xidig qiimo jaban balse ay ka iibin doonaan naadigii la timaado €50m.

Hadalka kasoo yeeray maamulka Juventus ayaa ku qasbi doono Real Madrid inay labo talaabo dib u dagto waayo Madrid ayaa aaminsaneed inay Vidal ku heli karto €30m.

Sidoo kale xidigan awooda badan naadiga Arsenal ayaa ku raad joogto saxiixiisa balse haatan qiimaha ay Juventus Vidal dul dhigtay ayaa sababi karo inuusan magaalada Turin xagaagan ka hayaamin.

Sidoo kalena macalinka Juve hogaamiyo Allegri isagana wuxuu ka dhawaajiyay in Vidal aysan marnaba fasixi doonin sidoo kalena kooxdiisa uu xidigan muhiim u yahay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>