Manchester United ayaa hogaanka u heysa loolanka loogu jiro saxiixa garabka kooxda Benfica Nicolas Gaitan sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka Portugal.
Wargeysyada ugu afka dheer dhanka kubada cagta ee dalkaasi O Jogo iyo A Bola ayaa isku raacay in kooxda ka dhisan dalka Ingiriiska ee Man United ay tahay kooxda ugu cad-cad ku guuleysiga saxiixa garabka Benfica Nicolas Gaitan.
Atletico Madrid ayaa sidoo kale xiiseyneysa xidigaan heerka caalami ee xulka Argentina, balse Manchester United ayuu xidigaan sanado badan u ahaa bartilmaameed.
Dhamaadkii June ayey aheyd markii wakiilka xidigaan uu sheegay iney wadahadal la gali rabaan maamulka United balse ay jawaab ka sugayaan maamulka Benfica.
Si kastaba Nicolas Gaitan ayaa loo maleynayaa inuu imaan doono Old Trafford xagaagan, inkastoo United ay ilaa iyo haatan sameysay kaliya hal saxiix waana Memphis Depay.