Home » Horyaalada » La Liga Spain » Wargeska Marca Oo Daabacay Xidigaha Man United Iyo Real Madrid Is Dhaafsadeen Qiimaha Ay Ku Fadhiyaan!

Wargeska Marca Oo Daabacay Xidigaha Man United Iyo Real Madrid Is Dhaafsadeen Qiimaha Ay Ku Fadhiyaan!


marca

Waxaa la filaa in xagaagan markale kooxaha Man United iyo Real Madrid ay cayaartooy kala gataan weliba haatan goolhaye David De Gae ayaa qarka u saaran inuu Real Madrid ku biiro sidoo kalena waxaa macquul ah in Sergio Ramos isagana United usoo dhaqaaqo.

Hadaba wargeska Marca ayaa soo bandhigay taariikh ahaan xidigaha ay labadan naadi kala iibsadeen iyo guud ahaan lacagaha ku baxday saxiiyada kala duwan.

Marca ayaa sheegay in labadan koox xidigaha ay kala gateen lagu sheegay qiimo ahaan inay ku fadhiyaan €239 million waana cilaaqaadka labo naadi ee reer Yurub ah midka ugu weyn ayaa lagu tilmaamay.

David Beckham ayaa bilaabay xiriirka labadan naadi waxay sanadii 2003 Real Madrid xidigan ku iibsatay €36m.

Kadibna waxaa xigeen Ruud van Nistelrooy oo sanadii 2006 Madrid ku biiray Gabriel Heinze oo isagana 2007 Madrid usoo hayaamay.

Laakiin saxixiii ugu weynaa wuxuu labadan naadi dhex maray markii Cristiano Ronaldo uu sanadii 2009 Real Madrid kusoo aaday €96m.

Markale heshiis taariikhi ah ayaa labadan naadi dhex maray madaama xagaagii hore Man United ay €80m Real Madrid kaga soo qaadatay Angel Di Maria.

Haka reebin xagaagii hore Javier Hernandez ayaa qaab amaah ah Madrid kusoo aaday wuxuuna xidiga reer Mexico ka mid noqday xidigaha labadan naadi usoo wada cayaareen.

Ilaa haatan 5-saxiix ee labadan naadi dhex maray waxaa lagu sheegay inay ku baxday €239m waana lacagtii ugu badneed ee labo naadi cayaartooy ku kala iibsadaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>