Home » Maxaa Cusub » Wargeska Telegraph Oo Shaaca Ka Qaaday 4-Xidig Ee Chelsea U Calaameesan Xagaagan

Wargeska Telegraph Oo Shaaca Ka Qaaday 4-Xidig Ee Chelsea U Calaameesan Xagaagan


Jose Mourinho

Macalin Jose Mourinho dhawaan ayuu sheegay inuu kooxdiisa Chelsea saxiixyo dheeraad ah kusoo kordhin doono si ay xili cayaareedka dambe ugu guuleesato dhamaan tartamada kala duwan.

Sidaa darteed wargeska Telegraph ayaa helay xog la isku haleen karo taasi oo ku aadan xagaagan 4-xidig oo ay Chelsea lasoo saxiixan doonto.

Saxiixa ugu horeeyo ee Chelsea sameyn doonto waxaa lagu sheegay inuu noqon doono Radamel Falcao inkastoo uu xidigan Man United ku fashilmay waxaa la filaa in Chelsea ay qaab amaah naadiga Monaco kaga qaadan doonto.

Daafaca kooxda Atletico Madrid Miranda ayaa garoonka Stamford Bridge usoo dhaqaaqi doono si daafacan uu awood dheeraad ah Chelsea ugu soo kordhiyo madaama macalin Mourinho uu kalsoonida kala laabtay Garry Cahill.

Madaama goolhaye Petr Cech uu go’aansaday inuu galbeedka London isaga tago waxay Chelsea 10-milyan oo pound kusoo qaadan doontaa goolhaye Asmir Begovic oo kooxdiisa Stoke City u sheegay inuu xagaagan bixi doono.

Sidoo kale Chelsea waxay iska fasixi doontaa John Obi Mikel oo dhaawaciisa batay sidaa darteed Blues waxay qiimo jaban kula soo saxiixan doontaa Alex Song oo diidan inuu Barcelona dib ugu laabto.

Xidiga reer Cameroon 10-milyan oo pound ayaa lagu qiimeeyaa waana qiimo lacageed oo ay kooxda Chelsea si sahlan ku bixin karto.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>