Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka Chile xidiga kooxda Juventus Arturo Vidal ayaa todobaadyada soo aadan ka mid noqonaya kooxda Arsenal kadib markii wargeyska La Stampa uu shaaciyay in Arsenal xidigaan laga iibiyay goore hore.
28-jirkaan reer Chile ayaa mudooyinkii u dambeeyay lala xiriirinayay kooxaha Arsenal iyo Man United, balse warbixin ka timid talyaaniga ayaa todobaadkaan bilowgiisii sheegtay in Vidal laga iibiyay koox ka mid ah kuwa yurub balse aan la shaacin magaceeda.
La Stampa oo ah wargeyska ugu afka dheer Chile ayaa sheegay in Arsenal ay tahay kooxda laga iibiyay xidigaan isla markaana ay ku qaadaneyso 21 Malyan Oo Pound wuxuuna Emirates kula midoobi doonaa Alexis Sanchez oo loo arko shaqsiga ku qalqaaliyay Vidal inuu kooxdaas u wareego hadiiba sheekada la dhameystiro.
Sida warbixinta lagu sheegay heshiiska xidigaan waxaa lagu dhawaaqi doonaa todobaadka soo aadan marka uu soo idlaado Copa America oo haatan maraya heer gabogabo ah waxeyna Chile semi finalka ku beegmeen dalka Peru.
Dhanka kale Juventus ayaa goor hore heshay badalka Arturo Vidal iyagoo si xor ah ku helay Sami Khedira, sidoo kalana Mehdi Benatia ayey doonayaan si ay kooxdooda u xoojiyaan.