Xili cayaareedkii hore kooxda Man City si awood ku dheehan ayay horyaalka England kaga qaaday naadiga Liverpool.
Balse xili cayaareedkan City si fudud ayay ugu guul dareesatay difaacashada EPL waxaana horteeda horyaalka ku qaadatay kooxda Chelsea.
Hadaba jabkii Man City ku dhacay waxaa lagu soo koobay 6-kulan oo ay kooxdan dhibcahooda qasaarisay kuwaas oo sababeen in horyaalka laga qaado.
Hadaba kulamadii ay Man City ku guul dareesatay inay dhibco muhiim ah hesho hoos kaga bogo:
Manchester City 0-1 Stoke City
Queens Park Rangers 2-2 Manchester City
Manchester City 0-2 Arsenal
Manchester City 1-1 Hull City
Liverpool 2-1 Manchester City
Burnley 1-0 Manchester City